Wasiirada Maaliyadda iyo Howlaha Guud oo kormeeray Guriga Hooyooyinka

Wasiirada Maaliyadda iyo Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Maxamed Aadan Macalin ayaa komeeray Guriga Hooyooyinka, oo muddooyinkii ugu dambeysay uu dayactir ka socday.

Image

Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay injineerada gacanta ku haysa dayactirka ballaaran ee lagu sameynayo Guriga Hooyooyinka oo ku yaala Degmada Xamar Weyne, kana soo horjeeda Golaha Murtida & Madadaalada Qaranka (National Theatre).

Injineerada ayaa waxay Wasiirada u sheegeen halka uu marayo dacyactirka dhismahaasi iyo goorta ay filayaan inay soo geba-gabeenayaan.

Guriga Hooyooyinka oo lagu dhisayo ololaha isxilqaan ayaa 29-kii bishii October ee sanadkii 2020 waxaa dhagax-dhigay Ra'iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), waxaana uu xilligaa ku dhawaaqay in Guriga Hooyooyinka loogu magac-daray Saynab Baxsan.

Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka mid ahayd Fannaanadii Hobolada Qaranka ee Waaberi ayaa 19-kii bishii October ku geeriyootay Magaalada Muqdisho, ka dib muddo dheer oo ku xanuunsaneysay.

Image

Image

Faallooyin