Wasiirka Tamar iyo Biyaha Somaliya oo la kulmay Danjiraha Turkiga

Danjiraha Turkiga ee dalka u fadhiyo, Amb. Mehmet Yilmaz ayaa maanta Xarunta Safaaradda ku qaabilay Wasiirka Tamarta & Biyaha Somaliya, Xasan Cabdinuur Cabdi.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada tamarta iyo kobcinta maalgashiga, sida uu sheegay Safiirka Turkiga.

"Waxaan ku faraxsanahay la kulanka Xasan Cabdinuur Cabdi, Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Somaliya. Waxaan is dhaafsanay aragtiyo ku saabsan xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada tamarta iyo kobcinta maalgashiga." Ayuu yiri Safiirka oo warkan ku sheegay barta Safaaradda ku leedahay Twitter-ka.

Mehmet Yilmaz ayaa muddooyinkanba waday kulamo uu la qaadanayay Masuuliyiinta Soomaalida, oo arrimo badana ay iskaashi ka sameynayeen.

Turkiga waa saaxiibka ugu weyn ee maanta Soomaali leedahay, iyadoo uu ka taageero kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska dalka iyo weliba ciidamada.

Faallooyin