Hawlgal xubno Shabaab lagu dilay oo ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaanada Araare, Koban, Lafaha-ragga iyo Xero –Shiid ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in hawlgal lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyada Ururka Al Shabaab, ka dib markii iska caabin ay ugala horyimaadeen ciidamada.

Mahad Mataan Buule, Gudoomiyaha Deegaanka Buulo-gaduud ayaa dhankiisa sheegay in hawlgal lagu dilay 10 xubnood, oo Saraakiil Shabaab ahina ay ku jiraan.

Gudoomiyaha ayaa xusay in hawlgalku ahaa mid dhinaca amniga la xiriira, si deegaanada looga fogeeyay maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Ciidamada Dowlad Goboleedyada qaarkood ayaa hawlgal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab ka wada qaar ka mid ah gobolada dalka.

Faallooyin