Madaxda Soomaalida oo maanta lagu wado inay ku kulmaan Magaalada Muqdisho

Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu wadaa inay markale ku kulmaan Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa la filayaa inuu ka qabsoomo Xerada Afisyooni, kaasoo uu qorshuhu yahay in lagu sii amba-qaado dadaalada loogu gogol xaarayo shirka wadatashiga qaran, ee looga arrinsanayo dhameystirka arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Sabtidii shirkan ka furay Xerada Afisyooni ayaa laba cisho socday, iyadoona uu natiijo la'aan ku soo dhammaaday, ka dib markii Madaxda ay ku kala qaybsameen ajandaha shirka lagu dhameystirayo doorashooyinka.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu shirka ka qaybgalo. Dad qaarkii waxay Qoorqoor u arkaan kan keliya ee madasha wadahadalada ku sii haya Madaxda Dowlad Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, markasta oo wadahadalada burbur ku dhawaadaan.

Qodobka ugu weyn ee wadahadalada bilowgii toddobaadkan fashiliyay ayaa lagu sheegay, iyadoo Madaxda Puntland iyo Jubbaland dalbadeen in la xadido amaba hoos loo dhigo awoodda Madaxweyne Farmaajo, haddii uu dhammaaday muddo xileedkiisa, isla-markaana uu 19-kii bishii February adeegsaday awood xad dhaaf ah.

Puntland ayaa daba-yaaqadii bishii February soo jeedisay in Madaxweyne Farmaajo uu soo saaro wareegto xadideysa awoodaha fulinta ee Madaxeynaha iyo Baarlamaanka.

Jubbaland oo iyaduna walaac ka muujisay dhacdadii 19-kii February ee Magaalada Muqdisho ayaa iyana xilligaa soo jeedisay in Madaxweyne Farmaajo laga saaro shirka looga arrinsanayo doorashooyinka, isla-markaana aanu wax door ahi ku yeelan hannaanka geedi-socodka ee doorashooyinka.

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaan dhowr jeer ka qaybgelin shirar uu Madaxweyne Farmaajo ku baaqay.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa markale dadaal u galay, sidii ay miiska wadahadalada isugu imaan lahaayeen Madaxda Soomaalida, si heshiis looga gaaro doorashada muddo dhaaftay.

Doorashada dalka oo ka dib dhacday xilligeeda ayaa waxaan weli jirin waqti heshiis lagu yahay oo doorashada ay dalka uga dhaceyso.

Faallooyin