COVID-19 oo gaaray deegaanada Miyiga ee Gobolada Dhexe

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo, Dr. Maxamed Xuseen Aadan oo ka warbixinayay xaaladda COVID-19 ee magaaladaasi ayaa dhanka kale muujiyay in xanuunka uu gaaray deegaanada fog fog ee miyiga.

"Waxaan rabnaa inaan idinla wadaagno bishii February isbuucii ugu dambeeyay illaa bishan waxaa aad u badnaa bukaanada xanuunkan uu soo ritay, oo isbitaalka soo gaaray. Qiyaas ahaan dad ku dhow 900 oo qof oo calaamadihii xanuunkaas lahaa ayaa isbitaalka soo gaaray. Dadka aan talada gaarka ah siinay guryahooda ayaan dib ugu celinay oo xaalado khalafsan kuma aanay sugnayn, laakiin 172 ka mid ah waanu la tacaalnay." Ayuu yiri Agaasimaha.

Agaasimaha ayaa xaqiijiyay in 23 qof ay xanuunka COVID-19 ugu geeriyoodeen Isbitaalka Gaalkacyo, isagoona yiri "Inta naga geeriyootay waa 23 qof."

Agaasimaha oo iftiimiyay in dhimashada ay soo badaneyso ayaa tilmaamay in Jimcihii illaa Axaddii ay toddobo qof xanuunka ugu dhinteen isbitaalkaasi.

"Maalintii Jimcihii illaa Axaddii dadka isbitaalka ku geeriyooday waa toddobo qof." Ayuu yiri Dr. Maxamed Xuseen Aadan, Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Gaalkacyo.

Agaasimaha ayaa ku waramaya in xanuunka uu haatan gaaray tuulooyinka Gobolka Mudug, taasoo muujinaysa in xanuunka uu ka gudbay magaalooyinka.

"Dadka magaalooyinka waaweyn ku nool marka dhibaatooyinka noocaanoo kala ah yimaada waxay is oran jireen u carara meelaha miyiga ee xanuunada faafa ee leesku gudbiya uusan gaarin, sida kanoo kale, laakiin hadda waxaan ogaanay in dadka noo yimid in aan yarayn oo tiro badan ah inay nooga yimaadeen tuulooyinka Gobolka Mudug. Xanuunku waa xanuun caam ah oo fidsan oo gaaray tuulooyinka iyo meelaha yar yar oo dhan oo gobolka ah." Ayuu yiri Agaasimaha.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa qiray in fayriska Corona uu si weyn u saameeyay deegaanada Galmudug, oo dhulka miyiguna uu qayb ka yahay.

"COVID-19 dhinaca Galmudug aad iyo aad ayuu noo saameeyay, haddii ay noqon laheyd mii iyo magaalo illaa tuulo, haddii ay noqon laheyd dadka uu soo ridanayo, dadka u dhimanayo iyo hanuunsan la'aanta dadka aysan u hanuunsanayn." Ayuu yiri Wasiir Falagle oo la hadlay BBC.

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli Gobolada Dhexe ay ka jiraan abaaro ka dhashay roob yari. Labadii xilli roobaad ee ugu dambeysay ayaa waxaan jirin wax roob ah oo ka da'ay deegaanada miyiga, taasoo reer miyiga ku khasabtay inay magaalooyinka u soo cararaan.

Faallooyin