Rooble "Dowladda marnaba ma aqbaleyso in tacadi lagula kaco haweenka"

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo ku aaddan maalinta caalamiga ah ee haweenka adduunka, u diray haweenka Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa qiray kaalinta haweenku ay ku leeyihiin dhismaha qaranka, daryeelka bulshada iyo badbaadin bulshada oo door wax ku ool ah ay ka qaataan, dowladduna ay xaqiijinayso ilaalinta qoondooda 30%.

“Maalinta haweenka adduunka ee 8-da Maarso awgeed, Waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan haweenka Soomaaliyeed, oo aan uga mahadcelinayo kaalintooda nafhurnimada, kartida, hagar la’aanta iyo daacadnimada ku saleysan, ee ay kaga jiraan dhismaha qaranka iyo dhan kasta oo nolosheenna ah." Ayuu yiri Ra'iisal Wasaaraha.

Ra'iisal Wasaare Rooble ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marna aqbalayn tacadi lagula kaco haweenka Soomaaliyeed, una taagan tahay ilaalinta xaquuqdooda.

Rooble ayaa warkan ku sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho.

Faallooyin