Ciidamada Dowladda oo qarax lagula eegtay Degmada Hodan

Gaari ay la socdeen Ciidamada Militariga ayaa saaka qarax lagula eegtay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo qaraxaasi ka dhashay.

Qaraxan oo wadada dhinaceeda la dhigay ayaa ciidamada lagula eegtay agagaarka wadada Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Goobjooge ayaa sheegay in qaraxaasi uu haleelay gaarigii ay Ciidamada Dowladda wateen, isla-markaana ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay.

Sidoo kale dad rayid ah oo wadada marayay ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, kuwaa oo loo qaaday goobaha caafimaadka.

Ciidamada ammaanka oo ku baxay halkaasi ayaa xiray wadada, iyagoona hakad-geliyay isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee wadadaasi.

Hay'adaha ammaanka ayaan weli ka hadlin qaraxan saaka ka dhacay Degmada Hodan ee Bartamaha Magaalada Muqdisho.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, waxaase qaraxyada ceynkani oo kala ah looga bartay maleeshiyada Al Shabaab.

Magaalada Muqdisho waxaa muddooyinkanba ka dhacayay qaraxyada hareeraha wadooyinka la dhigo, ee markaasi lala eegto gaadiidka ay la socdaan Masuuliyiinta Dowladda iyo weliba ciidamada.

Faallooyin