Wariye Kilwe Aadan oo la horkeenay Maxkamadda Ciidamada Puntland

Wariye Kilwe Aadan Faarax oo ka mid ah Wariye-yaasha ka hawlgala Magaalada Garoowe ayaa maanta la horkeenay Maxkamadda Ciidamada Puntland.

Wariyaha ayaa labadii bilood ee ugu dambeysay ku xirnaa Magaalada Garoowe, ka dib markii laamaha ammaanka ay xabsiga u taxaabeen.

Maxkamadda ayaa maanta Wariyaha ku eedeysay in loo haysto saddex qodob oo kala ah horkicid shiddo abuur, daabicidda warar qalqalgelinaya dadweynaha iyo yasitaan uu yasay Maamulka Puntland.

Maxkamadda ayaa 11-kii bishii hore ee January ku eedeysay Wariyaha isu day dil, inkastoo eedeymihii hore la bedelay.

Qareenka difaaca Wariyaha oo lagu magacaabao Abukaate Mustafe Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Maxkamadda ay ka dalbadeen in cadeymo loo keeno dacwadda lagu soo oogay Wariyaha.

Wariye Kilwa ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray bannaanbixii ay dadka reer Garoowe uga soo horjeedeen sicir bararka ka dhashay didmada lacagta Shilling Somaliga, taasoo ka careysiisay Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay Shirweynaha 4aad ee Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa soo hadalqaaday xariga Wariye Kilwe, isagoona sheegay in maxkamad la horkeeni doono.

Faallooyin