Madaxweynaha Puntland oo furay shirka 4aad ee Ururka Warbaahinta MAP

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha 4aad ee Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) .

Madaxweynaha ayaa hadal u jeediyay in ka badan 100 Wariye oo ka kala yimid Degmooyinka iyo Gobolada Puntland, kuwaasi oo ka qaybgalaya Shirka Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland.

“Maanta inaan halkan idiinku imaado waxay la midtahay anigoo Baarlamaanka tegay muhiimadda aad noo leedihiin, waxaan idiin rajayn inaa si wanaagsan isu doorataan." Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha ayaa yiri “Puntland midnimadeeda ka shaqeeya, Somaliya midnimadeeda ka shaqeeya, qodobada ugu muhimsana waxaa waaye deganaanshaha amniga inaad ka shaqeysaan, qodobka saddexaadna waxaa waaye dadkan in loo diyaariyo dad dimoqraadi ah, oo is dooran kara oo la dooran karo oo masuul ah, oo mushtamac madani ah oo degan, sida adduunyada kaleeto ah.”

Deni ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay Puntland ee ka qaybgala Shirweynaha Warbaahinta Puntland.

May be an image of 6 people, people standing, people sitting and indoor

Faallooyin