Jubbaland oo ka hadashay baaqii shalay ka soo yeeray Villa Somalia

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay baaqii shalay ka soo yeeray Villa Somalia, ee ahaa in Maamulada Puntland iyo Jubbaland ku soo biiraan shirka wadatashiga qaran, ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

Jubbaland ayaa ku baaqday in shirka lagu qabto Xarunta Xalane, oo ay degan yihiin Wakiilada Beesha Caalamka ee dalka.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in dhacdadii Magaalada Muqdisho ay abuurtay xaalad kale.

“Wixii dhacay 19-kii February waxa ay beertay xaalad kale, taasi dhibaato weyn oo dhacday ayay ahayd." Ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay VOA.

Wasiirka ayaa cadeeyay in ay diyaar u yihiin ka qaybgalka shirkaasi, balse aan xilligan la isku haleen karin Dowladda Federaalka, oo qorsheynaysa in shirka lagu qabto Aqalka Madaxtooyada.

"Diyaar ayaan u nahay ka qaybgalka shirka, balse waxaan dooneynaa goob amnigeeda sugan yahay, mar haddii la weeraray musharixiinta la iskuma haleen karo dowladda." Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa yiri "Haddii aan la hurayn waxaan door bideynaa Xerada Xalane oo saldhig u ah Wakiilada Beesha Caalamka in lagu qabto."

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa bilaabay in ay ka cago jiidaan ka qaybgalka shirkaasi, ka dib isku dhacyadii 19-kii bishan ka dhacay Caasimadda Muqdsho.

Faallooyin