Madaxweyne Deni oo magacaabay Taliye-yaal boolis

Madaxweynaha Dowladda Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr. 05, ku magacaabay Taliye Qaybeedyadda Gobollada Sanaag iyo Karkaar.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dar-dargelinta hawlaha Amniga ee gobolada Sanaag iyo Karkaar

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/sare Cabdikariin Maxamed Cabdulle loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag.

2. Waxaa G/sare Faarax Nuur Maxamed loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Karkaar.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Faallooyin