Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku soo laabtay Muqdisho

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, xilli ay ka socdaan dadaalo xal loogu raadinayo khilaafka wiiqay habsami socodka doorashooyinka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dhinacyada siyaasadda ee dalka ka dhex wada dadaalo xal loogu raadinayo, sidii looga gudbi lahaa muranka raggaadiyay arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Madaxweynaha ayaa tan iyo 16-kii bishan ku sugnaa Magaalada Xudur, ka dib xaalad bani'aadanimo oo ka dhalatay go'doominta daran ay magaaladaasi ku hayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in safarka uu Madaxweynuhu xilligan ku yimid Magaalada Muqdisho, ay la xiriirto u diyaargarowga shir wadatashi oo la fillayo in ay magaalada ku yeeshaan dhinacyada siyaasadda.

Beesha Caalamka ayaa juhdi ku bixineysa, sidii xal looga gaari lahaa is mari-waagga ka taagan doorashooyinka lagu wado in ay dalka ka dhacaan, billaha hore ee sanadkan.

Faallooyin