Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay Wakiilka Midowga Yurub

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa goor dhow Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. Nicolas Berlanga.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, horumarka deegaanada Hirshabelle, fulinta mashaariicda horumarineed iyo hagaajinta siyaasadda maamulka, ka dib is bedelka cusub ee Maamulka Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa Wakiilka uga mahadceliyay taageerada uu Midowga Yurub siiyo Somaliya, gaar ahaan Hirshabelle, oo arrimo kala duwan ay ka caawiyaan.

Sidoo kale labada dhinac ayaa kulanka si dhow uga wadahadlay muranka wiiqay habsami socodka ee doorashooyinka dalka, xilli doorashada ay u muuqato inay ka dib dhici doonto waqtigii loogu talagalay.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dhinacyada siyaasadda ee dalka ka dhex wada dadaalo ay tahay in la isugu soo dhaweeyo, si looga gudbo muranka hareeyay doorashooyinka.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, Maxamed Cali Caadle.

Waa kulankii ugu horeeyay uu Madaxweyne Guudlaawe la yeesho Amb. Nicolas Berlanga, tan iyo markii xilka loo doortay 11-kii bishii November.

Faallooyin