Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay askari dil ka gaystay Baydhabo

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Qaybta 60aad ayaa maanta xukun dil ahi ku xukuntay nin askari ah, oo lagu eedeeyay in qof shacab ahaa uu ku dilay Magaalada Baydhabo.

Askari oo lagu magacaabo dable Cismaan Ibraahim Cabdi ayaa ka tirsanaa Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo, waxaana lagu soo oogay in qof rayid ahi uu ku dilay Suuqa Sariiraha ee xaafadda Berdaale ee Magaalada Baydhabo.

G/sare Aadan Abuukar Maxamed, Gudoomiye Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Qaybta 60aad ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday askarigaasi.

Gudoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay in dable Cismaan Ibraahim Cabdi oo 22 jir ah uu 11-kii bishan dilay marxuum lagu magacaabi jiray Axmed M/nuur Mursal oo 33 jir ahaa, kaasoo u geeriyooday hal xabo uu feeraha kaga dhuftay.

Gudoomiyaha ayaa tibaaxay in xukunka lagu dilay ninka askariga  uu yahay qisaasta marxuumkii uu ku dilay Magaalada Baydhabo.

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Baay, Korneyl Amiin Maxamed Daruur oo ka barbar hadlayay Gudoomiyaha Maxkamadda ayaa Ciidamada Booliska ee Koonfur Galbeed faray in ay hubkooda ka adkaadaan, oo aynaan ku dhibaateen shacabka.

Faallooyin