Faah faahin: Odayaashii maanta lagu dilay Suuqa Bakaaraha

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa waxa ay ahaayeen laba nin oo oday dhaqameedyo ahaa, oo maanta lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa odayaasha ku dhex toogtay gudaha Suuqa Bakaaraha, iyagoona dilka ka dib ka baxsaday gacanta ciidamada ammaanka.

Odayaasha ayaa lagu kala magacaabi jiray Nabadoon Axmed Sheekh Cabddullaahi Fiqi Cumar iyo Nabadoon Axmed Suldaan Muxumud Suldaan Aadan, kuwaa oo dhawaan ka yimid deegaanada Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in odayaasha ay ka yimaadeen deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, oo Shabaabku ay marar badan ku qaadeen dagaalo ay dad badani ku dhinteen.

Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in odayaasha ay diideen inay u hoggaansamaan awaamiirta Al Shabaab.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoyska iyo ehelka Axmed Suldaan Muxumud Suldaan Aadan iyo Nabadoon Axmed Sheekh Cabdullaahi Fiqi Cumar, oo ahaa odayaal dhaqan oo lagu dilay Muqdisho maanta, iyaga oo ahaa dadkii hore u diiday inay ku shaqeeyaan amarka Al Shabaab." Ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad.

Dilka odayaasha ayaa ku soo aadaya, xilli Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu Talaadadii ku hanjabay in tallaabo ka qaadi doonaan cid kastoo u hoggaansata awaamiirta maleeshiyada Al Shabaab.

Faallooyin