Itoobiya oo si adag u beenisay in ciidan Soomaaliyeed ka dagaalameen Tigray

Xukuumadda Addis Ababa ayaa si adag u beenisay wararka sheegaya in ciidan Soomaaliyeed ka dagaal galeen Gobolka Tigray, isla-markaana lagu dilay.

Dina Mufti, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidan Soomaaliyeed ka barbar dagaalameen kuwa Itoobiya.

"Waxaan aragnay warbixino ku saabsan Ciidamada Eritrea oo u tallaabay dhinaca Itoobiya." Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.

"Waxaan sidoo kale goobjoog ka nahay warbixino isku mid ah oo ku saabsan askarta Soomaalida oo si lamida uga qayb qaadanaya ololaha. Sheegashooyinkan labaduba waa kuwo been abuur ah oo aan sal lahayn." Ayuu yiri Dina Mufti.

Dowladda Somaliya ayaa toddobaadkii hore shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay is dejiyaan, isla-markaana aanay waxba ka jirin in ciidanka qaranka ka dagaalameen waqooyiga dalkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cismaan Abokar Cismaan ayaa waalidiinta Soomaaliyeed ee ubadkooda tababarka ugu maqan yihiin ugu baaqay in ay ku kalsoonaadaan dowladooda.

Walaaca waalidiinta ayaa soo baxay markii barraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in askar Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea lagu dilay Gobolka Tigray-ga.

Faallooyin