Lix qof oo siyaabooyin kala duwan loogu dilay Magaalada Muqdisho

Ugu yaraan lix qof ayaa maanta siyaabooyin kala duwan loogu dilay Magaalada Muqdisho, halka laba Xildhibaan oo horena lagu dhaawacay.

Gaari ay la socdeen Ex Xildhibaan Muxudiin Xasan Afrax iyo Ex Xildhibaan Xuseen Caraale ayaa maanta qarax lagula eegtay Wadada Beexaani ee Degmada Shibis.

Afar askari oo ilaalo u ahayd ayaa la sheegay in qaraxaasi ku dhinteen, halka labadaasi Xildhibaano horena ay ku dhaawacmeen.

Goobjooge ayaa sheegay in xaaladda Ex Xildhibaan Xuseen Caraale ay tahay mid liidato, halka dhaawaca soo gaaray Ex Xildhibaan Muxudiin Xasan Afrax uu mid fudud yahay.

Muxudiin Xasan Afrax ayaa saddex toddobaad ka hor ka badbaaday qarax wadada dhinaceeda la dhigay, oo gaari uu watay lagula eegtay Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale laba nin oo nabadoono ahaa ayaa maanta lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha. Dilka odayaashaasi ayaa waxaa gaystay rag bastoolad ku hubeysnaa.

Ciidamada Booliska ee Suuqa Bakaaraha ka hawlgala ayaa goobtaasi gaaray, xilli ay baxsadeen raggii dilka gaystay.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxa ka dhacay Wadada Beexaani, ee lala eegtay gaarigii ay Xildhibaanada hore wateen.

Faallooyin