Wariye-yaashii lagu xiray Dhuusamareeb oo shuruud lagu sii daayay

Waxaa xalay Saldhiga Booliska ee Dhuusamareeb laga sii daayay Wariye-yaasha kala ah Maxamed Cabdiweli Tooxow iyo Cabdullahi Warsame Rooble, ka dib 24 saac oo ay ku xirnaayeen.

Labada Wariye ayaa habeen hore lagu xiray Magaalada Dhuusamareeb, ka dib markii Maamulka Galmudug aanu jecleysan wararka ay ka tebiyaan Gobolada Dhexe.

Dhinacyo kala duwan ayaa dadaal u galay, sidii dib xorriyadooda loogu siin lahaa labadaasi Wariye oo ka hawlgala Magaalada Dhuusamareeb.

Dhinacyadan ayaa maamulka ka codsaday inaanan Suxufiyiinta loo musaafurin Magaalada Muqdisho, isla-markaana loo ogolaado inay dib uga hawlgalaan Magaalada Dhuusamareeb.

Wariye-yaasha ayaa waxaa lagu sii daayay shuruud ah inaanay baahin karin wararka liddiga ku ah maamulka ka dhisan Bartamaha Somaliya.

Maamulada dalka ka dhisan ayaa lagu dhaliilaa inay caburin ku hayaan Wariye-yaasha iyo Warbaahinta madaxabannaan ee dalka ka hawlgasha.

Faallooyin