Mid ka mida askartii dishay Gudoomiye Dhegajuun oo baxsaday

Waxaa baxsaday mid ka mida askartii habeen hore Magaalada Muqdisho ku dishay Gudoomiyihii Degmada Hodan, Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhegajuun), sida uu xaqiijiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa sheegay in askarigaasi uu baxsad ku maqan yahay, intii kalena ay ku jiraan gacanta hay'adaha ammaanka.

"Waxaan fahamsanahay intii shilkii meesha ka dhacay ciidan iyo Saraakiilba joogtay dhammaantood, marka laga reebo hal qof ay gacanta amniga ku jiraan, sida hay'adaha ammaanku ay warbixinta nagu siiyeen." Ayuu yiri Gudoomiye Kuxigeenka.

Cali Yare oo faah faahinayay waxa uu yahay askariga maqan ayaa yiri "Wuxuu ka mid ahaa ciidankii halkaa joogay ee gacantooda Gudoomiyihii Degmada uu ku baxay, qof ka mida weeye. Markaa shilka markuu dhacay runtii si weyn ayay laamaha ammaanka uga hawlgaleen, dhammaana gacantaa lagu soo dhigay, halkaa nin mooyee."

Cali Yare oo la hadlay BBC ayaa xusay in Saraakiisha xiran ay ku jiraan laba Taliye Saldhig Boolis, kuwaa oo su'aalo ay weydiinayaan laamaha amniga.

"Dadka hadda xiran ee su'aalaha la weydiinayo eedeysane-yaashana waa boolis, oo ay ku jiraan laba Taliye Saldhig." Ayuu yiri Cali Yare.

Gudoomiye Dhegajuun oo arrimo caafimaad ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa Arbacadii uun dib ugu soo laabtay Caasimadda Muqdisho.

Faallooyin