Maxay ka wadahadleen Wasiir Beyle iyo Safiirka Turkiga?

Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Turkiga ee dalka u fadhiya, Amb. Mehmet Yilmaz.

Wasiirka ayaa waxay Safiirka ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka ee dalka, dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo taageerada miisaaniyadeed ee Turkigu ku caawiyo qaranka.

"Farxad ayay ii ahayd inaan la kulmo Danjire Mehmet Yilmaz. Waxaan ka wadahadalnay dib-u-habaynta dhaqaalaha, doorashooyinka iyo taageerada miisaaniyadda. Turkiga waa saaxiib muhiim ah oo taageera horumarka qarankeena." Ayuu yiri Wasiir Beyle oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Amb. Yilmaz ayaa dhankiisa qoraal uu soo saara ku sheegay in kulanka looga hadlay iskaashiga labada dalka iyo weliba sida uu Turkigu u taageersan yahay dib-u-habaynta dhaqaalaha Somaliya.

"Waxaan ka wadahadalnay iskaashiga u dhexeeya dalalkeena, waxaanan muujinay sida aan u taageersanahay dib-u-habaynta dhaqaalaha ee Somaliya." Ayaa lagu yiri qoraalka.

Turkiga ayaa Dowladda Federaalka ka caawiya dib-u-dhiska ciidamada, horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka iyo arrimo kale.

Faallooyin