Xukuumadda oo xaqiijisay in Saraakiil iyo askar loo xiray dilka Gudoomiyihii Degmada Hodan

Xukuumadda Somaliya ayaa goor dhow xaqiijisay in Saraakiil iyo askarba loo xiray dilkii xalay Magaalada Muqdisho loogu gaystay Gudoomihyihii Degmada Hodan, Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhegajuun).

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga, Farxaan Cali Axmed oo la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in dowladdu ay xirtay Saraakiishii iyo Ciidamadii Booliska ee ku lugta lahaa dilka Gudoomiyaha.

Waxaa uu sheegay in hay'adaha ammaanka ay baaritaan ku sameynayaan xubnaha u xiran dilkaasi, isagoona shacabka ugu baaqay in ay is dejiyaan.

Shacabka ayuu ka codsaday in ay ka war suggaan dowladooda, haddii ay laamaha ammaanku gacanta ku hayaan baaritaanka dhacdadaasi.

Farxaan Cali Axmed, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ayaan sheegin tirada Saraakiisha iyo Ciidamada Booliska ee loo xiray dilka Gudoomiyaha, oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay inta u dhaxeyso Isgoyska Hawlwadaag iyo Jidka Aadan Cadde.

Dadweyne ka careysan dilka Gudoomiyihii Degmada Hodan ayaa maanta isugu soo baxay Isgoyska Tarabuunka, iyagoona Dowladda Federaalka ka dalbaday in marxuumka uu cadaalad helo.

Ciidamada Booliska ee Saldhigga Degmada Hawlwadaag ayaa rasaas oodda kaga qaaday gaari uu Gudoomiyuhu la socday, ka dib markii la sheegay in ay ka shakiyeen.

Gudoomiye Dhegajuun oo shalay uun dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa saacado yar uun ka dib ku baxay gacanta ciidamada ammaanka.

Dhegajuun ayaa 12-kii bishii November ku dhaawacmay qarax wadada dhinaceeda la dhigay oo gaarigiisa lagula eegtay Wadada 21-ka October ee Degmada Waaberi. Dhaawac qaraxaasi ka soo gaaray ayaana keentay in arrimo caafimaad loogu qaado dalka Turkiga, oo Arbacadii shalay uu ka soo laabtay.

Faallooyin