Wariye-yaal lagu xiray Magaalada Dhuusamareeb

Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa Magaalada Dhuusamareeb ku xiray Maxamed Cabdiweli Tooxow iyo Cabdullahi Warsame Rooble oo ka mida Wariye-yaasha ka hawlgala magaaladaasi.

Wariye-yaasha ayaa xalay laga soo qabtay magaalada, iyadoo wax yar ka dibna lagu xiray Saldhigga Booliska ee Dhuusamareeb.

Wariye-yaasha ayaa gelinkii dambe ee shalay soo duubay muuqaal ay ku sheegayeen in loogu hanjabay xarig iyo weliba dil.

Labaduba waxaa saakay Saldhigga Booliska wareysi ugu tagay Saraakiil ka socotay Xafiiska Xeer Ilaalinta ee Galmudug.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in loogu hanjabay in loo musaafurin doono Magaalada Muqdisho, halkaasina lagu maxkamdeyn doono.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Wariye-yaasha lagu haysto wararka ay ka tebiyaan deegaanada Galmudug, taasoo aanay jecleysan Madaxtooyada Galmudug.

Waxaa haatan soconaya dadaalo lagu doonayo in xabsiga looga soo sii daayo Wariye-yaasha, waa haddii aanay sidii hore wararka u baahin doonin.

Masuuliyiinta Maamulka Galmudug, Saraakiisha Ciidamada iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaan weli si rasmi ah uga hadlin xariga Wariye-yaashaasi.

Maamulada dalka ka jira ayaa lagu eedeeyaa in caburin xoog lihi ku hayaan Wariye-yaasha iyo Warbaahinta madaxabannaan ee dalka ka hawlgasha.

Faallooyin