Nin da' ahaa oo lagu dilay Gobolka Hiiraan

Nin oday ahaa ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu dilay halka loo yaqaano Dhisiqa, oo ka tirsan Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyo qaab beeleed u abaabulan ay ka dambeysay dilka odaygaasi, isla-markaana ay ka baxsatay halkaasi.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Geeddi Faarax Orey ayaa ka mid ahaa dadka deegaanka ee xoolo dhaqatada.

Dilka ninka odayga ah ayaa la xiriira aanooyinka beelaha, iyadoona uu daba socdo dilka nin darawal ahaa saakay loogu gaystay deegaanka Riigga Ceel-habreed, oo ku dhow xadka Gobolka Hiiraan uu la leeyahay dalka Itoobiya.

Darawalka ayaa waday gaari nooca xamuulka ah oo ka yimid Magaalada Berbera, kuna sii jeeday Magaalada Beledweyne.

Isla galabta gaari nooca xamuulka ayaa lagu weeraray inta u dhaxeyso Matabaan iyo Guriceel, iyadoona ay maleeshiyo beeleed qafaalatay dadkii la socday gaarigaasi.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in xiisad adag oo beelaha deegaanka u dhaxeysa ay ka taagan tahay gobolkaasi, taasoo si weyn looga dareemay qaybo ka mida gobolka.

Si kastaba ha-ahaatee gaadiid badan oo kuwa xamuulka ah ayaa iminka ku xaniban inta u dhaxeyso Matabaan iyo Beledweyne, sababo ku aadan xiisadda beelaha ee gobolkaasi ku soo korortay.

Faallooyin