Madaxweynaha Galmudug oo galabta gaaray Magaalada Gaalkacyo

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo maalmahaanba ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa galabta gaaray Magaalada Gaalkacyo.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Gaalkacyo ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Galmudug, Maamulada Gobolka Mudug, kan degmada iyo weliba bulshada qaybteed.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kolkii dambe loo galbiyay oo loo kaxeeyay halka loogu talagalay inay ka deggaan Magaalada Gaalkacyo, muddada ay ku sugan yihiin.

Madaxweyne Qoorqoor waxaa safarkan ku wehlinayay xubno ka kala tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya iyo Labada Gole ee Galmudug.

Faallooyin