Taliye ay toddobaadkii hore dhaawaceen Shabaab oo maanta geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa maanta Magaalada Muqdisho dhaawac toddobaadkii hore qarax ka soo gaaray ugu geeriyooday Taliyihii Ururka 49aad, Guutada 10aad ee Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/sare Maxamed Dheere.

Taliyaha ayaa Arbacadii ku dhaawacmay qarax gaarigiisa lagula eegtay agagaarka deegaanka Kormalay ee duleedka Degmada Baardheere.

Taliyaha iyo ciidankiisa ayaa xilligaa gurmad ahaan ugu sii jeeday deegaanka Kormalay, oo dagaal uu ku dhex maraayay Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyada Al Shabaab.

Maxamed Dheere ayaa xaaladiisa oo garaab ahayd la keenay Magaalada Muqdisho, si wax looga qabtay, balse uu maanta dhaawacaasi ugu geeriyooday Isbitaalka Digfeer.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) ayaa xaqiijiyay geerida ku timid Taliyihii Ururka 49aad ee aagga Degmada Baardheere.

Faallooyin