Wasiir Dubbe oo kormeeray dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cismaan Abokar Dubbe iyo xubno uu horkacayay ayaa maanta kormeeray dhismaha wadada Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wasiirka ayaa sheegay in ujeedka kormeerkoodu uu ahaa mid ay ugu kuurgelayaan ogaanshaha halka uu maraayo dhismaha wadadaasi.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in iminka uu geba-gabo ku dhowyahay dhismaha wadada, isagoo intaa ku daray in laamiga la saarayo wadada uu haataan marayo meel 2km u jirta Afgooye, isla-markaana horey loo soo dhisay 25km, shaqadana ay sii socon doonto.

Injineerada wadada dhiseysa ayaa u sheegay Wasiirka in muddo bil ahi ay ku soo geba-gabeen doonaan inta uga harsan dhismaha wadada.

Wasiir Dubbe ayaa u mahadceliyay Dowladaha Turkiga iyo Qatar, iyadoo mashruuca dhismaha wadadaasi ay bixisay Dowlada Qatar, halka ay dhisayaan injineero u dhalatay dalkaasi Turkiga.

Intii ay socotay dhismaha wadadan waxaa dhawr jeer qaraxyo lagul eegtay injineerada Turkiga ee dhiseysa, oo weerarkii ugu dambeeyay oo ismiidaamin ahaa wuxuu dhacay horaantii bishan, waxaana lagu dilay laba ka mida injineerada gacanta ku haysa dhismaha wadadaasi.

Taliyaha Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) ayaa Wasiir Dubbe u sheegay in si wanaagsan ay u suggaan ammaanka shaqaalaha.

Faallooyin