RW Rooble oo la kulmay Safiirada Turkiga iyo Qatar

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirada Turkiga iyo Qatar ee dalka u fadhiya.

Ra'iisal Wasaare Rooble ayaa Amb. Mohmet Yelmez iyo Amb.  Hassan Hamza kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee kala dhaxeeya Somaliya.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay amniga hawlwadeennada ka shaqeynaya dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, oo ay maalgelisay Dowladda Qatar, isla-markaana fulineyso shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa boggaadiyey dhabar adeyga hawlwadeennada gacanta ku haya dhismaha wadada, isagoo uga tacsiyeeyay hawlwadeennadii Turkida iyo Soomaalida ahaa, ee ku geeriyooday ismiidaamintii toddobaadkii hore lagula eegtay duleedka Magaalada Muqdisho.

“Xilweyn ayay dowladdu iska saareysaa sugidda amniga howlwadeennada ka shaqeynaya wadadan, si aan loo dhibaateyn, argagixisaduna nagama horjoogsanayaan inaan dhammeystirno dhismaha waddadan halbowlaha u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka Caasimadda iyo gobolka Shabellaha Hoose.” Ayuu yiri Rooble.

Labada Danjire ee Turkey iyo Qatar ayaa xaqiijiyay, sida ay uga go’an tahay sii wadista dhismaha wadadan iyo mashaariicda kale ee horumarineed, ee ay ka wadaan dalka.

Faallooyin