Wararkii ugu dambeeyay odayaal lagu laayay Gobolka Galgaduud

Faah faahino ayaa ka soo baxaya tiro dad ah oo maanta lagu dilay duleedka Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Maleeshiyaad aan heybtooda la aqoonsan ayaa dadkaasi oo odayaal iyo culimo isugu jiray ku dilay wadada xiriirisa Degmooyinka Balanballe iyo Guriceel, gaar ahaan deegaan hoos-tagga Balanballe.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in dadka la dilay oo shan ahaa, la soo weeraray, lana dilay xilli ay geed ku hoos harsanayeen, isagoo intaa ku daray inaanan la garanayn heybta maleeshiyadii dishay.

Wasiirka ayaa tilmaamay dadkaasi oo odayaal iyo culimo isugu jiray inaanan illaa iyo hadda la garanayn ujeedada ka dambeysa dilkooda, balse ay baari doonaan laamaha ammaanka ee Galmudug.

9-kii bishii December ayay ahayd markii wadada xiriirisa Guriceel iyo Balanballe lagu dilay lix ka mida Saraakiisha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Dilka Saraakiishaasi waxaa la sheegay inay gaysteen maleeshiyaad aan weli heybtooda si rasmi ah loo aqoonsan.

Wasiir Falagle ayaa xusay in deegaanka odayaasha iyo culimada lagu dilay uu ku dhowyahay deegaankii bishii December lagu laayay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Si kastaba ha-ahaatee dilkan ugu dambeeyay ee maanta ka dhacay Gobolka Galgaduud ayaa si dhow loola xiriirinaya aanooyinka xagga beelaha.

Faallooyin