Wasiirka Difaaca Somaliya oo la kulmay Saraakiil ka tirsan Mareykanka

Wasiirka Difaaca Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa la kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Mareykanka qaybta AFRICOM.

Wasiirka ayaa Saraakiishan oo ka tirsan Hoggaanka Taliska Ciidamada Mareykanka ee dalka ku sugan kala hadlay joojinta tababarada ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Kumaandooska Danab.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu Saraakiishan kala hadlay dardargelinta hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Wasiir Xaaji waxaa kulankan ku wehlinayay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabaas Amiin Cali.

Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli Ciidamada Mareykanka ay bilaabeen ka bixitaankooda dalka, iyagoona ka hawlgalo doono saldhigyada uu Mareykanka ku leeyahay dalalka Jabuuti iyo Kenya.

Faallooyin