Mahad Salaad: Inta aan ognahay Kenya waxba kama haleyn Somaliya

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka hadlay tallaabada dalka looga eryay Safiirkii Kenya, Lucas Tumbo.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay inta la'ogyahay inaanay Kenya waxba u dhimin Somaliya, aan ka ahayn in ay ka diiday in isagoo jeebeysan lagu soo wareejiyo Madaxweynaha Jubbaland.

"Inta aan ognahay Kenya waxba kama haleyn Somaliya, marka laga reebo in ay ka diiday Farmaajo in ay u soo afduubaan Madaxweyne Axmed Madoobe, una keenaan isagoo lugaha iyo gacmaha ka xiran." Ayuu yiri Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in ceeb iyo foolxumo tahay, in dalka laga eryo Safiirkii Kenya, isagoo ku sugan dalkiisa, xilli Safiirkii Somaliya u fadhiyayna Kenya uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho.

"Waxa kale oo ceeb iyo foolxumo ah, ayna ahayd in laga xishoodo Safiirka Kenya ee la sheegay in uu dalka isaga baxo maba jooggo Somaliya oo mar hore ayuu dalkiisii u laabtay, Safiirkeenii Kenya inoo fadhiyayna Muqdisho ayuu dhex meereysanayaa." Ayuu yiri Mudanaha Golaha Shacabka ka tirsan.

Dowladda Somaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha, taasoo ka hor imaaneysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dowladaha deriska ah.

Faallooyin