Safiirka Kenya oo dalka laga eryay, isagoo dalkiisa ku sugan

Dowladda Somaliya ayaa caawa sheegtay in Safiirka Kenya ee dalka, Amb, Lucas Tumbo lagu wargeliyay in dalkiisa uu wadatashi ugu laabto.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in Safiirkeeda Kenya, Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ay u yeeratay.

Tallaabada dalka looga eryay Lucas Tumbo, ayaa ku soo aadaysa, xilli labadii maalmood ee ugu dambeysay uu ku sugnaa Magaalada Naiorbi ee Xarunta Kenya.

Sidoo kale Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maalmihii la soo dhaafay booqasho ku joogay Caasimadda Muqdisho.

Sababaha dalka looga eryay Safiirkii Kenya ayay Dowladda Somaliya ku sheegtay mid ka dhalatay fara-gelin, ay Kenya ku hayso arrimaha gudaha ee Somaliya.

Xiriirka labada dowladood ayaa u muuqdo mid sii xumaanaya.

Faallooyin