Nabadoon Xasan Tiyeegow oo caawa lagu dilay Magaalada Beledweyne

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in caawa magaaladaasi lagu dilay Xasan Ibraahim Nuur (Xasan Tiyeegow).

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa waxay nabadoonka ku dileen xaafadda Hawlwadaag, iyagoona qaybaha kore ee jirkiisa ka toogtay.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in raggaasi ay goobta ka baxsadeen, ka hor intii aanay soo gaarin ciidamada ammaanka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay wadaan hawlgalo ay ku baadigoobayaan raggii bastooladaha ku hubeysnaa ee dilkaasi gaystay.

Allaha u naxariistee Nabadoon Xasan Tiyeegow ayaa si weyn looga garanayay Magaalada Beledweyne, mana cadda cidda dhabta ahi ee dishay.

Faallooyin