Dad loo soo qabqabtay qarax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Ciidamada ammaanka Puntland ee ka hawlgala Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa tiro dad ah u soo qabqabtay qarax xalay ka dhacay magaaladaasi.

Qaraxa oo ahaa bambada nooca gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray ciidamada ammaanka, xilli ay hawlgal roondo ah ku guda jireen.

Qaraxan ayaan wax khasaaro ah ka soo gaarin ciidamada ammaanka, balse rasaas ay furayn ayaa sababtay dhimashada nin ganacsade ahaa iyo dhaawaca mid kale.

Ciidan gurmad ah oo halkaasi gaaray ayaa ka sameeyay hawlgal ka dhan ah kuwii qaraxaasi ka dambeeyay, waxayna gacanta ku soo dhigeen tiro dad ah oo qaraxaasi lala xiriirinayo.

Cabdiladiif Muuse Nuur, Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dad la tuhunsan yahay gacanta lagu soo dhigay, welina uu hawlgalku socdo.

Muddooyinkii ugu dambeysay ayaa waxaa Waqooyiga Gaalkacyo ku soo badanayay falalka amni-darrada.

Faallooyin