Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay maqaaxi ku taala Lafoole

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa qarax miino oo maanta ka dhacay maqaaxi ku taala deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Qaraxa ayaa horey loogu sii aasay maqaaxidaan oo ku taala halka loo yaqaano Shanta Golaha Sare, waxaana uu qaraxaasi dhacay, xilli ay maqaaxida fadhiyeen askar ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo dad rayid ahba.

Inta laga warqabo waxaa ku dhimatay laba askari, halka saddex qof oo shacab ahna ay ku dhaawacantay. Dhibane-yaasha ayaa loo soo qaaday goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada amniga oo halkaasi gaaray ayaa ka sameeyay baaritaano, mana jirto cid la sheegay inay qaraxaasi u soo qabteen.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, sida lagu baahiyay barraha Internet-yada ee afkooda ku hadla.

Ciidamada Dowladda ayaa xilliyada qaarkood qaraxyo lagula eegtaa goobaha lagu cunteeyo, laguna shaaho.

Faallooyin