Maxamed Cabdirisaaq oo loo magacaabay Wasiirka A. Dibadda Somaliya

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa si lama fillaan ahayd xilka uga qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar waxa uu u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa noqonaya Wasiirkii Arrima Dibadeed ee ugu mudada yaraa, marka aad eegto labada bilood ee ka harsan muddo xileedka Dowladda Federaalka.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaga mahadceliyay xilka oo loo magacaabay 4-tii bishii November ee sanadkii 2018.

Faallooyin