Ammaanka Magaalada Jowhar oo si weyn loo adkeeyay

Ciidamada ammaanka ee Hirshabelle ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamada ammaanka ayaa saacadihii ugu dambeeyay bilaabay inay adkeeyaan ammaanka magaalada, ka dib markii la guda-galay ololaha doorashada Hirshabelle.

Goobaha lagu wado in lagu qabto doorashada ayay ciidamada ammaanka wadooyinka soo gala ku jireen carro, sidoo kalana waxaa lagu arkayaa askar loogu talagalay inay amniga goobahaasi suggaan.

Sidoo kale Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la geeyay daafaha magaalada, si ay ula socdaan gaadiidka imaanaya magaaladaasi, baaritaanana ugu sameeyaan.

Dhanka kale Odayaasha Dhaqanka ee deegaanada Hirshabelle oo qaarkood gaaray Magaalada Jowhar ayaa waxaa uga bilowday shirar gooni gooni ah.

Odayaasha Dhaqanka ayay tahay inay soo xulaan Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle, xilli uu muddo xileedkiisa dhammaaday Baarlamaanka haataan sii shaqeynaya.

Faallooyin