Qoorqoor oo ka hadlay dhadhaqaaqyada Al Shabaab ka waddo G/galgaduud

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ayaa qiray in Al Shabaab ay toddobaadyadii la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyo ka waday qaybo ka mida Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlayay Magaalada Guriceel ayaa sheegay inaanay Galmudug aqbali doonin in colaad iyo qalalaase laga abuuro deegaanadeeda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay inay Galmudug diyaar u tahay in ay ka hortagto wax kasta oo keeni kara colaadaha, si aanay caqabad ugu noqon horumarada Galmudug.

Sidoo kale Madaxweyne Qoorqoor ayaa muujiyay in maamulkiisu wax ka qaban doono weerarada maleeshiyada Al Shabaab.

Hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Galmudug ayaa ku soo aadaya, xilli Shabaabka ay dhawr jeer weerareen Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb.

Faallooyin