Xubno Shabaab oo lagu soo bandhigay Beled Xaawo (SAWIRRO)

Ciidamada Dowladda ayaa Jimcihii waxay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ku soo bandhigeen saddex nin, oo ka soo goystay Ururka Al Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa goobtii lagu soo bandhigay raggaasi ka sheegay in muddo dheer ay ka tirsanaayeen Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay ka hawlgeli jireen Gobolka Gedo.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in raggaasi ay la soo xiriireen, sidaasina ay ugu suurtagashay inay isugu soo dhiibaan dowladda.

Saddexdan nin ayaa lagu kala magacaabaa Cabdiqaadir Ibraahim Cabdullaahi, Cabdicasiis Maxamed Koosaar iyo Maxamed Qani Shide Ibraahim.

Ragga lagu soo bandhigay Degmada Beled Xaawo waxay laba ka mida ku labisnaayeen tuutaha militariga, sidoo kalana waxay wateen laba qori oo AK47 ah iyo booshadahooda.

Faallooyin