Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Mudug oo qarax ka badbaaday

Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland, Maxamuud Cismaan Aadan ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii ka badbaaday qarax, loogu xiray gaarigiisa.

Xilli Gudoomiyaha uu saarnaa gaarigiisa ayuu qaraxan kula qarxay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, iyadoona aanay jirin waxyeelo ka soo gaartay qaraxaasi.

Qaraxan oo laga maqlay qaybo ka mida xaafadaha Gaalkacyo ayaa inta laga warqabo gaysan khasaaro nafeed, marka laga soo taggo in burbur uu ka soo gaaray gaarigii Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka.

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Mudug ee Puntland, Gaashaanle Muumin Cabdi Shire ayaa maalin ka hor sheegay inay wax ka qaban doonaan amni-darada maalmihii ugu dambeysay ku soo korortay Magaalada Gaalkacyo.

Faallooyin