Ciidanka Kumaandooska oo hawlgal Sarkaal lagu dilay ka fuliyay Sh/hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa saqdii dhexe ee xalay hawlgal ka fuliyay tuulooyin hoos-tagga deegaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa hawlgalkan ka sameeyay inta u dhaxeyso tuulooyinka Sahanweyn iyo Sahanyarey, oo hoos-tagga deegaanka Leego oo ka tirsan Degmada Wanlaweyn.

Bartilmaameedka ayaa ahaa Sarkaal aan la garanayn iyo ilaaladiisii, kuwaa oo iska caabin xoogan ugala horyimid Ciidanka Danab, waxaana iska horimaadkaasi ku dhintay hal qof oo rayid ah.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Danab ay hawlgalka ku dileen Sarkaalkaasi iyo ilaaladii la socotayba. Dadka deegaanku waxay sheegeen in ciidanku horey u qaatay meydka Sarkaalkaasi, oo aan macluumaad badan laga hayn waxa uu ahaa.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaan weli ka hadlin hawlgalka qorsheysan ee ka dhacay aagga Leego.

Hal habeen ka hor ayay ahayd markii hawlgal aagga Leego laga fuliyay lagu dilay toddobo xubnood oo Shabaabka ka tirsanaa, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

Taliyaha oo wareysi gaar ahi siiyay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in hawlgalkaasi ay fuliyeen Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Faallooyin