Dab ka kacay goobo ganacsi oo ku yaala Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Dab xoogan ayaa saaka ka kacay kaalin shidaal oo ku taala Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo markii dambe uu saameeyay dhismayaal ganacsi oo ku dhow dhow.

Ma cadda waxa sababay dabka, balse waxaa soconaya dadaalo lagu doonayo in lagu demiyo dabkaasi, oo laga dareemay qaybo ka mida magaalada.

Boqolaal ka mid ah dadka deegaanka ayaa isugu soo baxay goobta uu dabku ka bilowday, iyadoona ay ku dadaalayaan, sidii ay u baqtiin lahaayeen.

Wariye-yaasha ka hawlgala Magaalada Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya inaanay magaaladu lahayn gaadiidka dab demiska, taasoo suurtagal ka dhigeysa in deminta dabka ay muddo qaadato.

Ciidamada ammaanka ayaa ku sugan aagga uu dabku saameeyay, si ay uga hortaggaan in goobaha ganacsiga qaarkood la boobo.

Faallooyin