Madaxweyne Farmaajo oo kulan la leh Madaxda Dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula leh Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Dhinacyadan oo kulanka ku leh Xarunta Villa Somalia ayaa waxaa looga hadlayaa dhameystirka heshiiskii, ay bartamihii bishaan ku wada gaaraan Caasimadda Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan uu horudhac u yahay shir ay Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ay tahay inay ku soo dhisaan Guddi Doorasho oo Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ka kooban.

Mudada uu shirku ka socdo Magaalada Muqdisho waxaa suurtagal tahay in sidoo kale ay masuuliyiinta ku soo magacaabaan Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Shirkii 16-kii bishan lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Muqdisho ayaa soo afjaray kala aragti duwanaan in muddo ahba u dhaxeysay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada qaarkood.

Faallooyin