Madaxweyne Qoorqoor oo caawa soo gaaray Muqdisho (SAWIRRO)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa caawa ka soo degay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya iyo xubno kale.

Socdaalka Madaxweyne Qoorqoor ee Magaalada Muqdisho ayaa la xiriira shirar ay magaalada ku leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ka dib markii Xildhibaanada Labada Aqal ay ansixiyeen heshiiskii ay bartamihii bishan ku wada gaareen Villa Somalia.

Dhinacyadan ayay tahay inay shirarka kaga arrinsadaan dhameystirka heshiiskii doorashooyinka dalka, oo ay ugu horeyso in la soo dhiso Guddi Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, oo ka wada shaqeeya arrimaha doorashooyinka.

Faallooyin