Ganacsato fara-badan oo lagu xiray Magaalada Muqdisho

Toboneeyo ka mid ah ganacsatada ugu caansan Magaalada Muqdisho iyo xubno kale oo ka tirsan Guddiga Gaadiidleyda Gobolka Banaadir ayaa lagu xiray magaalada, ka dib markii goobo kala duwan laga soo kala qab qabtay.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Somaliya ayaa la sheegay inay ganacsatada soo xireen, iyadoo aan la aqoon halka lagu hayo.

Ganacsatada xiran waxaa ka mid ah Xaaji Maxamuud Cumar Caddaan iyo Cadceed Xaashi, waxaana lagu haystaa inay xiriir la sameeyeen Ururka Al Shabaab.

Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali Wajiis) oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee degan Magaalada Muqdisho, ehalna ay yihiin ganacsatada qaarkood ayaa sheegay in loo haysto inay u taggeen Al Shabaab.

Sheekh Cali Maxamuud Xasan ayaa tilmaamay in ganacsatada ay Shabaabka ugu taggeen inay u cadaalad fallaan, ka dib is qab qabsi soo kala dhexgalay.

Dowladda Somaliya illaa iyo hadda kama aanay hadlin xariga ganacsatada, waxayse tani ku soo aadaysaa, iyadoo kol hore dadka reer Muqdisho looga digay inay taggaan Maxkamadaha Al Shabaab.

Faallooyin