Kooxo hubeysan oo laba qof ku dilay Gobolka Shabellaha Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay lagu dilay laba qof oo shacab ahaa, kuwaa oo dilkoodu uu salka ku hayo aano qabiil.

Dilka ayaa ka dhacay deegaanka Yaaqbar-weyne oo hoos-tagga Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in rag ku hubeysnaa qoryaha daran-dooriga u dhaca ay gaysteen dilka labadaasi qof.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in dilkoodu uu la xiriiro aanooyinka xagga qabaa'ilada, isla-markaana ay baxsadeen kuwii ka dambeeyay.

Dilalka aanooyinka beelaha ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ku soo badanaayay qaybo ka mida Gobolka Shabellaha Hoose.

Faallooyin