Golaha Shacabka oo maanta ka doodaya Sharciga Qaxootiga

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa waxaa maanta lagu wadaa inay ka doodaan Hindise Sharciyeedka Qaxootiga.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa lagu wargeliyay in maanta akhrinta 1aad la marsiin doono Hindise Sharciyeedka Qaxootiga.

Sidoo kale Xildhibanada Golaha Shacabka ayaa la fillayaa haddii uu waqtiga u saamaxo, in isla maantaba ay akhrinta 1aad marsiiyaan Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay'adda Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Bixinta Aqoonsiga, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-hishiisiinta Somaliya.

Ka hor inta aanu dhammaan muddo xileedka Baarlamaanka haataan jira ayay tahay in la meelmariyo Hindise Sharciyeedyo badan, oo uu gacanta ku hayo Guddoonka Golaha Shacabka, muhiimna u ah dalka, sida uu dhawaan sheegay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Faallooyin