Guddiga Farsamada Hirshabelle oo gaaray Magaalada Jowhar (SAWIRRO)

Guddiga Farsamada ee soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Hirshabelle ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Xubnahan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere ee Magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Gudoomiye Kuxigeenka Siyaasadda Gobolka, Maxamed Cabdi Sheekh Xandow.

Siyaad Maxamed Isaaq, Afhayeenka Guddiga Farsamada ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta diiran ee loogu sameeyay Garoonka Maxamed Dheere. Afhayeenka ayaa tilmaamay in maalmaha ina oo aadan ay soo saari doonaan jadwalka shaqo, ee soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Hirshabelle.

Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa 29-kii bishii hore ee August soo magacaabay Guddiga Farsamada, oo ka kooban kow iyo toban xubnood.

Maxay tahay shaqada Guddiga Farsamada?

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Hirshabelle, Maxamed Cali Caadle oo dhawaan ka hadlay shaqada Guddiga Farsamada ayaa yiri "Guddiga Farsamada waa guddi la rabo in Odayaasha Dhaqanka uu wax la farsameeyo, ee guddi shaqo kale qabanayo maaha. Wuxuu la shaqeynayaa oo keliya odayaasha soo xulaya Xildhibaanada, qoladaasuu farsamo ahaan ula shaqeynaa."

"Doorkan hadda la jooggo Guddi Doorasho maloo baahna, maadaama ay xulitaan tahay Guddi Doorasho looma baahno hadda. Odayaashaa waxay soo xulayaan Baarlamaanka, Baarlamaanka haddii la dhaariyana asagaa Guddoonkooda, Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka soo dooranaya, marka Guddi Doorasho oo hadda la suggaayo ma jirto."

"Sida ugu dhakhsaha badan ayay u bilaabaneysaa, maxaa yeelay anagu waxaan heysanaa oo keliya muddo hal bil ah. 9-ka October ayuu waqtiga Baarlamaanka ku egyahay, waxaana la rabaa Baarlamaan diyaarsan inuu bedelo Baarlamaanka 9-ka October ku eg."

Faallooyin