Puntland oo xukuntay xubno lala xiriiriyay Shabaab iyo Daacish (SAWIRRO)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Shanta Gobol Bari, Sanaag, Haylan, Karkaar iyo Gardafuu ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday xubno lagu helay inay ka kala tirsan yihiin Ururada Al Shabaab iyo Daacish.

Xubnahan oo shan gaaraya ayaa lagu kala magacaabaa Xasan Moosow Cali, Cabdikariin Cali Maxamed, Xuseen Cabdiqaadir Maxamed, Cabdiqafaar Siciid Yuusuf iyo Maxamuud Maxamed Siciid.

Eedeysanaha lagu magacaabo Maxamuud Maxamed Siciid ayay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Shanta Gobol, Ibraahim Bille Maxamed.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa min labaatan sano oo xabsi ah ku kala xukuntay xubnaha kala ah Xasan Moosow Cali, Cabdikariin Cali Maxamed iyo Xuseen Cabdiqaadir Maxamed, halka Cabdiqafaar Siciid Yuusuf lagu xukumay 15 sano oo xasbi ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay in xubnahaan ay haystaan soddon maalmood, oo ay rafcaan ku qaadan karaan.

Faallooyin