Dowladda Mareykanka oo 100 Soomaali ah ku celineysa dalkooda

Dowladda Mareykanka ayaa waxay maalmaha ina soo aadan qorsheyneysaa inay dalka Somaliya dib ugu celiso ku dhawaad 100 qof oo Soomaali ah.

Dadkan ayaa waxay isugu jiraan dad la sheegay inay dembiyo ka gaysteen dalkaasi iyo dad kaloo dalbaday in la siiyo sharciga dalkaasi, balse uu Mareykanka u diiday.

Madaxa Ururka Care ee u dooda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka ee Gobolka Minnesota, Jeylaani Xuseen oo la hadlay BBC ayaa sheegay in dembiyo kala duwan lagu haysto Soomaalida la musaafurinayo, laakiin ay u badan yihiin dad sharci la'aan ah, oo sharciga dalkaasi dalbaday, loona diday.

Jeylaani Xuseen oo wax laga weydiiyay inay la xiriireen Safaaradda Somaliya ee Washington iyo Dowladda Somaliya ayaa iftiimiyay inay la xiriireen Safaaradda iyo dad kaloo badanba, iminkana ay ku hawlan yihiin, sidii Dowladda Somaliya ay go'aan uga gaari laheyd dib u soo celinta dadkaasi.

Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ayay tahay in dadkan laga dejiyo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dib u celinta dadkaasi ayaa waxay walaac ku abuurtay qoysaska iyo eheladooda degan dalka Mareykanka.

Faallooyin