Dowladda oo la wareegeysa goobaha danta guud (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray Darjiino ku yaala dhismaha taariikhiga ah ee Saciid Barqash ee Degmada Shangaani oo maalmihii ugu dambeeyay uu ka jiray muran la xariira dhismahaasi.

Qaar ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka ee Degmada Shangaani ayaa sheegay in halkan ay ahayd goob taariikhi ah, oo lagu keydin jiray taariikhda Gobolka Banaadir, isla-markaana uu saameeyay burburkii dalka ka dhacay, haatana ay ku faraxsanyihiin in Maamulka Gobolka Banaadir uu dib u dhis ku sameeyo.

Guddoomiye Kuxigeenka Hawlaha Guud ee Gobolka Banaadir, Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in qaybta Hawlaha Guud ee Gobolka Banaadir, ay gacanta ku heyso dhismahan, isla-markaana aysan jirin cid lagu wareejiyay, waxaana ugu talagalnay buu yiri inaan dib u dhisno.

Duqa Magaalada Muqdisho oo maanta kormeeray dhismaha ka socda darjiinka Dowladda Hoose ee ku dhegan daarta Saciid Barqash ayaa sheegay in Maamulka Gobalka Banaadir uu gacanta ku hayo dhismaha, isagoo beeniyay wararka sheegaya in la boobayo dhulkaas.

Duqa Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in Maamulka Gobolka Banaadir uusan ogolaan doonin in goobaha danta guud ay sheegteen milkiyadeeda dad gaar ah.

“Goobtan waa Darjiino ka mid ah Darjiinooyinka Dowladda Hoose ee Xamar, waxa ay ku dhegantahay daarta Saciid Barqash, waxaana haddda ka shaqeyneynaa inaan dhismo ku wareejino, si aan u muujino Xarumaha Dowladda Hoose ee Xamar.” Ayuu yiri Cumar Filish.

Cumar Filish ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu qorsheynayo inay gacanta ku soo celiyaan dhammaan Xarumihii Dowladda Hoose ee Xamar, isla-markaana ay noqon doonaan goobo bulshada wax loogu qabto.

Faallooyin